Gabdhaha Galmudug & Puntland oo Soo Gaaray Semi Finalka Koobka ka socda Garowe

Iyadoo Garoonka Kubadda Koleyga ee Mire Awaare Magaaalada Garoowe ka soconayo Tartanka Kubadda Koleyga ee Maamul goboleedyada oo ay ka qeybgalayaan ilaaa 6 kooxood oo loo kala qeybiyey 2 Group ayaa waxaa kooxda Gabdhaha Galmudug ay ciyaareen kulankoodii ugu horeeyey iyagoo la yeeshay kooxda Bilan oo qaadatay Magaca Maamulka Koofur Galbeed kuwaa oo guul daro kasoo qaatay kulankii koobaad Puntland.

Labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen ciyaar xamaaasad badan waxaana mar waliba hogaanka kulanka horkacayey Gabdhaha Galmudug  taasi oo ugu suurta gashay iney guusha ku qaataan 38-19, waxaana sidaa Kusoo baxay Semi Finalka Puntland iyo Galmudug oo kulan kooxda kaalinta Koowaad kusoo bixi doonta yeelan doona Galabta.