Khasaaraha ka dhashay Weerar ay Al-Shabaab ku qaaday dalka Kenya

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku dhimatay Weerar ay Al-Shabaab ay ku qaadeen degaanka Tarbaja oo ku dhow Degmada Wajeer.

Taliyaha Ciidanka ee degaanka Tarbaja ayaa warbaahinta u sheegay in weerar gaadmo ah Al-Shabaab ay kusoo qaadeen degaanka ,islamarkaana ay labo qof ay toogasho  ku dileen ka dibna ay Carareen.

Ciidanka Ammaanka ee degmada Wajeer ayaa heegan Buuxa la geeliyay .

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa  burbur xoogan ku geystay Anteenooyin ay leedahay shirka Isgaarsiinta Safaricom ee dalka Kenya.

Inta badan Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhaca weeraro qorsheysan oo mas’uuliyadoodu ay dhabarka u ritaan Xarakada Al Shabaab.