Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Baar Ubax ee degmada Howlwadaag ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi gabadh ay iska soo tuurtay dabaq ku yaalla.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka Gabadha ayaa dabaqa ay iska soo tuurtay , waxaa uu ahaa Hotel.
Gabadha ayaa waxaa soo gaaray dhaawac halis ah, waxaana loo la cararay mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho
Ciidamada Amniga oo goobta gaaray ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in uu watay gabadhaasi.



