Gaas oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay abaartu haleeshay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo shir guddoominayay kulankii Golaha Wasiirrada maamulkaasi ayaa u soo jeediyay Wasaaradda Caddaaladda Puntland inay qaban-qaabiso Roob doon.

Gaas ayaa sidoo kale faray Wasaaradaha iyo hay’adaha ka shaqeeya jiray gurmadka iyo Biyo dhaaminta xilliyada ay Abaaruhu dhacaan inay billaabaan howlahii looga bartay, Dadweynaha iyo Culimaa’udiinkuna ay ka qayb qaataan.

Golaha Wasiirrada Puntland ayaa isku raacay inuu ammaanku imminka aad u wanaagsan yahay, haatanna ay ka soconayaan howl-gallo baaxad leh Buuralayda Gal-gala, halkaas oo ay ku dhuumaalaysanayaan qaar ka mid ah ururka Al-shabaab.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka Dowlad Goboleedyada Dalka Soomaaliya iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa kulan ay dhawaan maamulladu ku yeelanayaan Magaalada Garoowe, kaas oo sidoo kale lagu lafa guri doono arrimo la xiriira horumarka dalka.