DHAGEYSO: Gaas oo ka hadlay isku dhafka Ciidamada

Garowe-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay dhowaan Puntland in ay galeyso socdaal dheer oo Shabaab iyo Daacish ay kula dagaalameyso, taasina ay u baahan tahay diyaar garow weyn.

Waxa uu sheegay siyaabaha loogu diyar garoobi karo Dagaalada Shabaab iyo Daacish in ay ka mid tahay in la bixiyo canshuurta, wuxuuna sheegay in aysan qaadin canshuur aan Dastuuri aheyn.

Gaas wuxuu sheegay wadaniyada in ay ku jirto in la wada shaqeeyo, Nabadgelyada ugu weyn in ay u baahan yihiin shacabka, loona baahan yahay in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka Puntland.

Dhanka Madaxweyne Gaas ayaa ka hadlay arrinta maalmahan aadka loo hadal hayay taasi oo ah, dhisida Ciidamo Qaran, si weyna loogaga hadlay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee maalmo ka hor lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho.

Waxa uu sheegay dalkan in uu u baahan yahay Ciidan Soomaali ah, oo Astan Qaran leh, wuxuu sidoo kale sheegay in aysan jirin in 4.5 lagu soo xulayo Ciidamada, arrimahaasna keliya ay yihiin kuwo ku ek Baraha Bulshada.