DHAGEYSO: AMISOM oo bilaabeysa Howlgal wado furis ah

Muqdisho-RisaalaFM- Isaga oo ka hadlayay kulan Tababar loogu furayay xildhibaanada maamulka Hirshabeelle ayuu Gen. Cusmaan Nuur Subagle Taliyaha Ciidamada AMISOM ka sheegay in dhowaan ay bilaabi doonaan Ciidamada AMISOM Howlgal lagu furayo wadooyinka oo qaarkood Shabaab u xiran.

Gen. Subagle oo la weydiiyay sababtaay Ciidamada AMISOM ay uga saari la’yihiin Al-shabaab degaanada ay ku hareen, isalamarkaana ay hoos u dfhaceen Howlgaladii AMISOM iyo Ciidamada Dowladda ayaa bixiyay jawaab uu saldhig uga dhigtay in AMISOM ay yihiin Ciidamo ajaanib ah, laakiin loo baahan yahay in la dhiso Ciidamada Dowladda Federaalka.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada AMISOM Gen. Cusmaan Nuur Subagle ayaa waxa uu sheegay eeda in ay iyaga leeyihiin, halka qaarka kalena ay leeyihiin shacabka, oo aan Ciidamada kala shaqeyn falalka amni daro.

Waxa uu sheegay Subagle dadka Soomaaliyeed in looga baahan yahay in ay gacan siiyaan Ciidamada Midowga AMISOM iyo kuwa Dowladda, si Shabaab looga saaro guud ahaan dalka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay kala saari la’yihiin shacabka iyo Shabaab, taasina ay keentay in waqti bafdan uu qaato Howlgalka AMISOM ee Shabaab lagula dagaalamayo.