Kismaayo-RisaalaFM- Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland maanta waxaa ka dhacaya Kulanka Golaha Wasiirada Soomaaliya, kadib markii shalay gelinkii dambe ay halkaasi tageen Ra’iisul Wasare Khayre iyo wafdi Wasiiro ah oo uu hoggaaminayay.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya (Eng. Yariisow) oo u wamaray Risaala ayaa sheegay in arrintan ay ka dhigan tahay Dowladda Soomaaliyeed oo la sii balaariyay, ayna tahay talaabo shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda ay isku dhexgalayaan.
C/raxmaan Cumar Cusmaan Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya sidoo kale wuxuu sheegay shirkan in uu yahay midkii caadiga ahaa ee ay Khamiis kasta yeelan jireen Golaha Wasiirada.
Sidoo kale wuxuu sheegay ujeedada ay u tageen magaalada Kismaayo in ay tahay in halkaasi uu ka qabsoomo kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada, Golaha Wasiirada Jubbaland in ay fursad u helaan Wasiirada Federaalka, Wasiirada Soomaaliya in ay kulan gaar ah la qaataan Madaxda Jubbaland iyo in shacabka fursad loo siiyo in ay la hadlaan masuuliyiintooda.
Dhanka kale xalay magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayeen Madaxda Jubbaland iyo wafdiga Wasiirada ah ee uu hoggaaminayo Mudane Khayre, kuwaasi oo looga hadlayay arrimo la xiriira hormarinta degaanada Jubbaland.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in shirka Golaha Wasiirada ee ka qabsoomi doona magaalada Kismaayo ay xigi doonaan shirar kale oo Golaha Wasiirada ay ku yeelan doonaan xarumaha maamul goboleedyada.


