Qandala-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa ay gaareen Degmada Qandala ee Gobolka Bari.
Safarka madaxweynaha Puntland ee degmada Qandala ayaa ah mid uu ugu kuur galayo xaaladda degmada, maadama dhawaan degmadaasi ay Puntland dib ugala wareegtay maleeshiyo taabacsan ururka Daacish.
Dr.C/wali Maxamad Cali Gaas ayaa la kulmi doona inta uu ku sugan yahay degmada Qandala saraakiisha ciidanka ee ku sugan degmadaasi, si uu ugala hadlo xaalada amni.


