Garowe-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa qada sharaf u sameeyay Agaaasimaha Guud HSJ Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Koofi iyo wafddi uu hoggaaminayay oo maalmahan howlo shaqo u joogay magaalada Garowe.
Mas’uuliyiintani ayaa ka wada hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa ilaalinta xaduudka Soomaaliya ay la wadaagto Dalalka dariska gaar ahaan qeybta kaga beegan degaanada Puntland.
Sidoo kale Agaasimaha ayaa Madaxweynaha Puntland ka dalbaday in loo fududeeyo shaqooyinka ay saraakiisha Hay’addu ka hayaan degaanada Puntland oo la xariira arrimaha Socdaalka, Basaboorka iyo diiwaan galinta ajaanibta ku sugan Degaanada Maamul Goboleedka Puntland.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland Mudane C/wali Gaas ayaa balan qaaday in ay kala shaqeyn doonaan howlaha muhiimka ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ka heyso degaanada Puntland, waxaana uu tilmaamay in Hay’addan ay ka mid tahay Hay’addaha Afarta ah ee sida tooska ah u hoos taga Federaalka.



