Gaari siday waxyaabaha maanka dooriya oo gacanta lagu dhigay

Boosaaso-RisaalaFM- Ciidamada ammaanka gobolka Bari gaar ahaan kuwa Kontoroolka magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku soo dhigay gaari nuuca xamuulka ah oo ay saarnaayeen waxyaabaha maanka dooriya.

Sidoo kale Ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso ayaa intii ay wadeen baaritaanka waxaa u suuragashay inay gacanta ku soo dhigaan raggii howshan waday iyo waliba dadkii kale ee loo waday.

Taliyaha Booliska qeybta gobolka Bari C/xakiin Yuusuf Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay arintan in ay ku suuragashay Ciidamada ammaanka oo habeen iyo maalin shaqeynaya, iyaga oo garab ka helaya shacabka.

“Halkan waxaan idinku tuseynaa, xashiishad ka kooban laba kiilo oo Ciidamada geesiyaasha ay qabteen, oo ay ku amran yihiin, waxaa siday gaari nuuca xamuulka ah, ragii siday gacanta ayaan ku dhignay, shacabka ayaana ka qabanay”. Ayuu yiri Taliye C/xakiin Yuusuf.

Dhanka kale Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo) oo dhankiisa arrintan ka hadlay ayaa Ciidamada ammaanka ku amaanay howshan, wuxuuna sheegay in si gaar ah loo abaalmarin doono.