Gaari qaad siday oo lagu rasaaseeyay Shabeellaha Dhexe

Jowhar-RisaalaFM- Rag hubeysan ayaa wadada u galay oo rasaas huwiyay gaari qaad siday oo ka baxay magaalada Muqdisho, islamarkaana ku sii jeeday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Gaariga rasaasta lagu furay ayaa marayay meel ku dhow degaanka Gololey gaar ahaan halka loo yaqaano Il-baq oo u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.

Ragga hubeysan ayaa in gaarigan ay rasaaseeyaan waxa ay ka dambeysay kadib markii darawalka lagu amray inuu joojiyo gaariga, balse uu ka dhega adeegay amarka.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay rasaasta lagu furay gaarigan, balse wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan inay jiraan dhaawacyo soo gaaray rayidka saarnaa gaariga.

Masuuliyiintan maamulka Hirshabeelle ayaa weerarkan ku eedeeyay inay ka dambeeyaan ururka Al Shabaab oo dhawr jeer oo hore sidan oo kale u rasaaseeyay gaadiid qaad siday.