
Nin la socday gaari nooca raaxada, ayaa Khamiistii dad fara-badan ku jiiray Fagaaraha Times Square ee Magaalada New York, iyadoo ugu yaraan uu hal qof ku geeriyooday dhacdadan.
Ugu yaraan 20 qof, ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dhacdadaasi. Dhibane-yaasha waxaa qaarkood soo gaaray dhaawacyo halis ah.
Goobjooge-yaal, ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen ninkii gaariga la socday, kaas oo hadda u muuqdo mid lagu baarayo xarumaha laamaha amniga.
Ciidamada Booliska, ayaa xiray wadadii dadka lagu jiiray, waxaana la arkaayay booliska oo gacan u fidinaya dhibane-yaasha.
Sida laga soo xigtay Booliska New York dhacdadan uma muuqato mid xiriir la leh fal argagixiso, balse ay weli wadaan baaritaanada ku aadan.
Sean Spicer, Afhayeenka Aqalka Cad, ayaa Warbaahinta u sheegay dhacdadaasi in lala soo socodsiiyay Madaxweyne Donald Trump.
















