Gaalkacyo-RisaalaFM- Wasaaradda Gashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya ayaa sheegtay in magaalada Gaalkacyo ay ka furtay xarun cusub oo loogu tala galay in ay ku shaqeyso Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Profesar Sonkor Jaamac Geere oo maanta shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Magaalada gaalkacyo ay ka fureen bishii hore ee February xarun cusub oo loogu tala galay in ay ku shaqeyso Maxkadda Ciidamada Qalbka Sida, madaama Gaalkacyo ay ku soo laab laabteen dagaal beeleedyo.
Agaasimaha ayaa waxa uu sheegay in Maxkamadda ay bilowday shaqooyinkeeda qofkii qof kale dilana la soo taagi doono maxkamada si loo marsiiyo sharciga.
“Bishii hore Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gaalkacyo way tagtay wayna la socotay, xarunteeda way diyaarsatay Howlgalkeeda way bilowday, qofkii si sharci daro ah dhibaato ku geysta Maxkamadda ayaa la soo taagi doonaa”. Ayuu yiri Agaasimaha.
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ku soo laab laabtay dagaal beeleedyo inta badan sababa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.


