FT: Liverpool oo Lumisay Ku guuleysiga Rajada Horyaalka Qeyb Ka Mid ah

Qeebta Hore ee Ciyaarta ayaa Si Adag Ku Bilaabatay Iyadoo Labada Kooxba ay Ka Go’need inay Guulo La Hooydaan.

Daqiiqadii 22-aad waxaa bandhiga Goolasha Bilaawday Liverpool Waxaana U Dhaliyay Mane.

Ma Sii waarin Goolka Kooxda Reds Iyadoo Durba Laga Soo Celiyay Libinta.

Daqiiqadii 28-aad waxaa ciyaarta bareejo ka dhigay M.Antonio sheekada waxay noqotay  mid sii adkaata.

Qeebta hore waxaa lagu kala Nastay 1-1 oo koox walba natiijada kuma qanacsaneen.

Markii dib la isugu soo laabtay qeebta labaad duulaamada ayaa halkooda ka sii socday balse nasiib daro waxba iskama dhalinin labada Dhinac.

Liverpool ayaa Iska Lumisay Rajada Horyaalka Qeyb ka Mid ah maadaama ay hadda kaliya 3-dhibcood hogaanka ku haayaan Iyadoo City Ay Kaabiga Ku soo Heeso.

Ciyaarta ayaa ku soo Idlaatay 1-1.