Freddie Ljungberg Oo Ka Hadlay Haddii Uu Kabtanimada Ka Qaadayo Aubameyang & Mudada Uu Sii Ahaanayo Tababaraha KMG Ee Arsenal

Freddie Ljungberg ayaa sheegay inuusan garaneyn mudada uu sii ahaan doono tababaraha ku meel gaarka ah ee Arsenal isagoo kaliya isha ku haya kulanka soo socda ee berri.

Xiddigii hore ee khadka dhexe ayaa si ku meel gaar ah loogu dhiibay kooxda koowaad ka dib markii Unai Emery la ceyriyay subaxnimadii Jimcaha isagoo caawiye u ahaa tababaraha reer Spain.

Inkastoo Arsenal ay xiiseyneyso dhowr tababare oo u bedela Emery hadana waxa ay ka warqabaan inay ku adag tahay inay helaan tababarayaasha sida Nuno Espirito Santo iyo Brendan Rodgers iyadoo xilli ciyaareedka uu socdo.

Taasoo la micno ah inay jirto soo jeedin la xiriirta in Ljiunberg loo kordhin doono mudada uu sii ahaanayo tababaraha si uu u soo bandhigo haddii uu u qalmo shaqada waxayna u bilaabaneysaa kulanka berri ee Norwich City.

Laakiin isagoo u hadlayay Sky Spors, ninka reer Sweden ayaa la weydiiyay haddii loo sheegay waqtiga ay dhamaan doonto howshiisa ku meel gaarka ah. Waxa uu ku jawaabay: “La iima sheegin mudada ay howsheyda socon doonto.

“Waxay kaliya igu yiraahdeen, ‘Diirada saar ciyaarta xigta islamarkaana samee wixii aad awoodo, markaas ayaan arki doonaa.