Edoaurd Mendy ayaa noqon doonaa saxiixii 7aad ee ay Chelsea sameyso suuqa kala iibsiga ee xagaagan.
Tababaraha Chelsea Frank Lampard ayaa xaqiijiyay in goolhaye Edouard Mendy inuu marayo tijaabada caafimaadka ka hor inta uusan 27 milyan ginni uga soo wareegin kooxda Faransiiska ee Rennes.
Blues ayaa muddo isbuucyo ah ka shaqeyneysay saxiixa Mendy, iyagoo ugu danbeyn xal ka gaaray maalmihii ugu danbeeyay.
Wuxuu noqon doonaa saxiixii todobaad ee ay sameyso Chelsea xagaagan ka dib Hakim Ziyech, Timo Werner, Malang Sarr, Ben Chilwell, Thiago Silva iyo Kai Havertz.
Ku dhawaaqis rasmi ah ayaa laga filayaa inay Chelsea sameyso isla maanta iyadoo Lampard uu xaqiijiyay in ciyaaryahanka uu haatan marayo tijaabada caafimaadka.