Xiriirka kubada cagta aduunka (FIFA) ayaa qaadi doonaan talaabo ay xulka Spain koobka aduunka 2018 Russia lagu qabaanayo kaga saari doonaan.
FIFA waxaa soo gaartay dacwad ka dhan ah madaxweyna xiriirka kubada cagta Spain Angel Maria Villar waxayna haatan wadaan baaritaan ku aadan in dowlada Spain ay fara galin ku heyso xiriirka kubada cagta Spain.
Xiriirka kubada cagta Spain ee loo yaqaan RFEF waxaa fara galin joogto ah ku heyso dowlada Spain mana ogolo FIFA in siyaasada iyo kubada cagta is dhex galaan sidaa darteed Spain halis ayay ugu jiraan in koobka aduunka laga saaro.
Doorasho cusub oo madaxweynaha xiriirka kubada cagta Spain ayaa dhawaan la qaban doonaa balse doorashadaas FIFA uma arki doonto mid saxan madaama dowlada ay fara galin ku heyso.



