DHAGEYSO: Tiicey oo Gaaray Mareykanka

Madaxweynihii hore ee maamulkii Ximin iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan Tiicay ayaa gaaray dalka Mareykanka ka dib markii laga sii daayay xabsi ku yaalla dalka Biljamka.

Waxaa loo heystay falal la xariira Burcadbadeednimo, waxaana loo sheegay in uu ka qeyb qaadan doono filin looga hadlayay Burcadbadeeda kadibna xabsiga ayaa la dhigay.

Mudda Afar sano ah ayuu xabsi ku jiray, waxaana uu dhowr jeer kasoo hormuuqday Maxkamad ku taalla dalkaasi.

Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu ku sheegay in aysan jirin wax dambi ah oo lagu helay intii uu xirnaa, islamarkaana ugu dambeyntii Afar sano ka dib Xabsiga laga sii daayay.

Goobta uu ka talinayay ayaa aheyd meelaha ugu badan Burcadbadeeda, waxaana la sheegay in uu wax ka qaadan ka jiray Lacagaha Madax furashadda ah, inkastoo uu beeniyay.