FIFA oo Jimcaha dooraneysa hogaan cusub

 

Dalalka xubnaha ka ah FIFA ayaa waxa ay isugu tagayaan magaalada Zurich, waxayna go’aan ka gaarayaa horay u socoshaha hay’adda oo sanadkii tagay ay hareysay qalalaase musuqmaasuq.

Qofka ku guuleysta doorashada waxaa lagu dhawaaqi doonaa isla habeennimada, maalinta xigta ee Sabtidana waxaa la ogaanayaa qofka badalayo Sepp Blatter oo hadda shaqada laga joojiyay.

Laakiin maxaa u baahan in laga ogaado FIFA?

209 ka dal ee xubnaha ka ah FIFA waxa ay yeelanayaan kullan aan caadi ahayn. Waxaa kullanka la ballamiyay markii Bishii June ee sanadkii tagay uu Sepp Blatter ku dhawaaqay inuu xilka ka degayo kaddib 18 sano oo uu hay’adda madaxweyne ka ahaa.

Blatter oo 79-sano jir ah oo u dhashay Switzerland waxa uu sheegay “hoos u dhigidda shaqadiisa”, oo sababtay walaac, waxaa suuragal ah inuusan is casilin.

Sikastaba, xubnaha FIFA waxa ay aaminsan yihiin inuusan dib ugu soo noqon doonin, sababtoo ah waxaa Blatter laga mamnuucay ciyaaraha kubadda cagta.

Waxaa lagu eedeeyay “mushaar bixin cadaalad daro ah” oo ahayd £1.3 milyan oo Pound oo uu shiiyay madixii UEFA Michel Platini oo asna laga mamnuucay ciyaaraha.

Labada ninba way beeniyeen inay khalad sameeyeen, waxayna racfaan ka qaateen xayiraadda la saaray.

Blatter sidoo kale looma ogola inuu ka qeybgalo kullanka ay xubnaha ku dooranayaan hogaanka cusub.