Xiririka kubadda cagta aduunka ee FIFA ayaa bilowday iney baaritaan ku sameyso hab dhaqankii Lionel Messi uu kula dhaqmay caawiyaha kulankii ay Argentina guusha ka gaartay Chile, hadii lagu helo inuu adeegsaday hadalo aflagaado ah ama kuwa luqad weerar u muuqata, kabtanka Albiceleste wuxuu wajahi doonaa ganaax laba ilaa afar kulan ah.
Xiriirka kubadda cagta Argentina ee (AFA) ayaa loo diray warqad wagalin ah isniintii oo ay ku saxiixan yahiin guddiga Anshaxa xiriirka taasoo la xiriirta gardarada afkahadalka ah ee lagu eedeeyay Messi.
AFA goor hore ayey ka jawaabeen iyagoo soo jeediyay inaan wali la heynin wax cadeynaya in kabtanka Argentina uu luqadaas adeegsaday.
Si kastaba FIFA ayaa ku adkeysatay iney horay u wadi doonaan dacwada isla markaana ay warbixin dhameystiran ka rabaan AFA.
Intaas waxaa sii dheer in afar garsoore ee kulankaas kuwaas oo dhamaan reer Brazil ahaa lala tashtay waxeyna kala yahiin: Garsoore: Sandro Ricci, caawiyeyaal Marcelo Vangasse iyo Dewson Silvaiyo garsoorka afaraad Carvalho.
Dhamaantood waxey warbixinta ku gudbiyeen ineysan maqlin erayada Lionel Messi, si kastaba FIFA ayaa xasuusisay AFA inuu jiro qodob qeexaya in gudiga ay ganaaxi karaan hadii xitaa aysan maqlin garsoorka hadalada ciayartoyda waana qodobka 77-aad ee xeeraraka FIFA kaas oo leh:
“Guddiga anshaxa wuxuu awood u leeyahay inuu cunqabateeyo ciyaariyahanka hadii xitaa garsoorka uusan arkin aflagaadadiisa”
Si kastaba AFA waxey heysteen 9:00 waqtiga bariga yurub maanta oo talaado ah, iyado FIFA ay go’aan ka gaari doonto ka hor kulanka.
Wargeyska “The Nation” ayaa sidoo kale ka hadlay arinka isagoo sheegay in ciqaabta Lionel Messi ay ka adkaan karto inta la qiyaasayo.


