Neymar → Man United, Sanchez → Bayern & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda

Manchester United ayaa diyaarineysa iney la kulanto qiimaha lagu jabin karo heshiisak Neymar ee gaaraya 173 Malyan Oo Pound isla markaana ay 25-jirkaan siiso mushaarka ugu badan dunida 416,000 isbuucii. (Sport)

Weeraryanka qaranka Chile iyo Arsenal Alexis Sanchez kaas oo 28-jir ah ayaa ku biiri kara kooxda Bayern Munich marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda. (Sport).

Kooxda hogaamineysa horyaalka Premier League [Chelsea] ayaa u ogolaaneysa xidigeeda khadka dhexe ee reer Belgium Eden Hazard kaas oo 26-jir ah inuu ku biiro Real Mdrid. (Marca)

Southampton ayaa diyaarineysa dalab 20 Malyan oo Pound ah oo ay ka gudbiso daafaca Liverpool Mamadou Sakho kaas oo 27-jir ah madama uu qaab ciyaareed ilqabad leh kusoo bandhigay Crystal Palace. (Mirror)./

Tiemoue Bakayoko oo 22-jir ah ayaa kula kulmay hotel ku yaala Paris tababare Arsene Wenger sanadkii hore, balse wuu iska diiday inuu kusoo biiro Gunners, waxaana lagu waramayaa inuu ogolaaday ku biiritaanka Chelsea. (French Football).

Arsenal ayaa xiiseyneysa goolhayaha kooxda Sporting Lisbon iyo qaranka Portugal Rui Patricio kaas oo 29-jir ah si uu badal ugu noqdo Petr Cech oo 34-jirsaday. (RMC).

Goolhayaha Manchester City Claudio Bravo ayaa shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay nolosha Etihad Stadium inkastoo lasoo warinayo in badalkiisa ay raadsaneyso kooxda. (Telegraph).

Halyeeygii hore Arsenal Thierry henry ayaa iska diiday inuu meesha ka saaro inuu badal u noqdo Arsene Wenger hadii uu talada ka dago. (Canal+).

Louis van Gaal ayaa kusoo laaban kara kubadda cagta, kadib markii FA-ga Holland ay usoo bandhigeen inuu la shaqeeyo kadib markii ay ceyriyeen Danny Blind. (Independent),.

Burburiyaha Chelsea N’Golo Kante kaas oo 25-jir ah ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayay ku biiritaanka Marsielle halkii uu imaan lahaa Leicester City 2015. (Canal+).