Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo mooshinka laga keenay madaxeynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in wax wanaagsan ay tahay in xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ay garwaaqsadeyn in Mooshinkani ay kasoo gudbiyaan Madaxweyne Farmaajo.
Waxa uuna xildhibaanada ugu baaqay in ay taageeraan mooshinkaani, oo ay labbada sano ee ina soo aadan ay doortaan madaxweyne cusub.
“Hala taageero mooshinkaasi oo qof wanaagsan oo labbada sano ee harsan waddanka gaarsiiya hala soo saaro annaguna dibadda ka joogi mayno” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe.


