Farmaajo “Waxaan codsaneynaa in nagala qaado cunaqabateynta dhanka Hubka ah”

London-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay shirka Magaalada London maanta ka furmay.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha muhiim in ay tahay in Soomaaliya laga caawiyo dagaalka Argagixisada, isga oo sheegay Dagaalka Al-shabaab in lagu dhameyn karo wax ka yar labo sano haddii si rasmi ah looga howlgalo.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa codsaday in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay sida ay sameeyeen Waddamada Jaamacadda Carabta oo deymihii ka cafiyay Soomaaliya.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee Golaha ammaanka uu saaray 1992-dii.