Farmaajo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiir cusub

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Ingariiska David William Concor.

 David William Concor ayaa badalay Safiiradii hore ee Soomaaliya u qaabilsaneyd dowladda Britain.
Safiirkaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho , waxaana uu kulamo kala duwan la lahaa qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyada.
Waa Safiirkii ugu horeeyay ee uu warqadiisa Aqoonsiga uu ka gudoomo Madaxweyne Farmaajo  tan iyo intii uu xilka la wareegay.