NISA oo sheegtay inay qabatay gaari lagu fuliyay weeraradii ka dhacay Muqdisho

Hay’adda Nabad Suggida iyo sirdoonka Qaranka ayaa sheegtay in ay gacanta kusoo dhigtay Gaarigii ay wateen Kooxihii maanta dilalka ka geystay magaalada Muqdisho.

Hay’adda Nabad Suggida ayaa sidoo kale sheegtay in Xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ay kasoo qabteen Gaari ay wateen Kooxihii dilalka Geystay.

Sidoo kale Nabad Suggida ayaa sheegtay in ay wadaan baaritaano lagu xaqiijiyo ammaanka Muqdisho.

Maanta ayaa Magaalada Muqdisho waxaa lagu dhaawacay Taliye ku xigeenkii Hore ee Hay’adda Nabad Suggida sidoo kale waxaa la dilay Afhayeenkii hore ee maamulkii Ximan iyo Xeeb.