Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag u cambaareeyay qaraxii Al-shabaab ay ka geysteen afafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo lala eegtay Kolonyo uu la socday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Waxaan si adag u canbaaraynayaa Qaraxii argagixiso ee afaafka hore ee Madaxtooyada lagula eegtay kolanyada Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud”.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri” Falkan argagixisada halista ku ah dowladnimada iyo jiritaanka ummadu ay gaysatay waa mid ka tarjumaya wejiga dhabta ah ee kooxaha arxanlaaweyaasha ah ee sida bahalnimada ah u caadaystay daadinta dhiigga sharfan ee shacabka Soomaaliyeed iyo burburinta hantidooda.”
Qoraalka madaxweynaha ayaa u qornaa sidan:-




