Dagaal xoogan ayaa waxaa uu socda magaalada Khartoum ee caasimada Sudan, kaasi oo u dhexeeya ciidamada Sudan iyo kooxda hubeysan ee RSF.
Ciidanka militaryga Sudan ayaa weeraray goobo badan oo fariisimo u ahaa kooxda RSF
Goobta dagaalka ugu adag uu ka socdo ayaa ah madaxtooyada dalka suudaan
Milatariga Suudaan, ayaa burburiyay ciidan ka tirsan kooxda RSF oo iskudayay inay doono uga baxsadaan Khartuum, xilli saldhigyada ugu muhiimsan ee ay Khartuum kaga sugnaayeen ciidanka RSF, ay ka socdaan dagaallo culus oo milatariga Suudaan ay ku doonayaan inay guud ahaan caasimadda Khartuum ka saraan ciidanka RSF.
Howlgalka milatariga Suudaan ee ka socda Khartuum, wuxuu isku rogay dhul, cir iyo xataa wabiga oo xubin kasta oo ka tirsan RSF loo diidday inay ku baxsadaan.
Wuxuu u muuqdaa howlgalkan inuu ku dhisanyahay cirib-tir looga takhlusayo xubin kasta oo ka tirsan RSF, sababtoo ah milatariga Suudaan waxay ka hortagayaan iskuday kasta oo ciidanka RSF ay uga bixi karaan Khartuum.



