Farmaajo oo saakay u ambabaxaya Jabuuti

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu booqasho ku tagayaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Safarka Madaxweynaha waxaa qeyb ka noqonaya Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka, iyada magaalada Jabuuti looga diyaar garoobay soo dhaweynta Madaxweynaha.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa waxa uu sheegay safarka Madaxweynaha inuu salka ku hayo sii xoojinta xiriirka soo jireenka ee Labada dal iyo guud ahaan arrimaha gobolka.

Madaxeynaha ayaa magalada Jabuuti waxa uu kula kulmayaa dhiggiisa dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadlayaan arrimo la xiriira labada dal.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Jabuuti ayaa ku soo aaday, iyadoo dhawaan dowladda Jabuuti walaac ka muujisay baaqii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Asmara, intii uu ku guda jiray booqashadii Eritrea oo ahaa in laga qaado cunaqabateynta saaran.

Waxaa muuqata safarka Madaxweynaha inuu soo da dejiyay kadib cadaadis uga yimid siyaasiyiinta qaar oo ku dhaliilay inuu meel cidlo ah ku daayay dal aan walaalo nahay, midaasina aanan loo baahneyn, waxayna ugu baaqeen inuu raali gelin siiyo walaalaha Jabuuti.