Farmaajo oo kulan la yeeshey xubno ka socday Qurba Joogta

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa maanta kulan qado sharaf ah la yeeshey xubno ka socoda Qurba Joogta Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Ujeedad kulanka ayaa wuxuu ahaa sidii Qurba Joogta Soomaaliyeed ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya, iyagoo Madaxweynaha Soomaaliya uga xog waramay xaaladaha kala duwan oo ay ku sugan yihiin Soomaalida Qurbaha ku nool.

Dhageysiga aragtida Qurba joogta kadib ayuu dhankiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/laahi (Faraamjo) uga warramay xaaladda guud ee dalka iyo horumarada ay ku talaabsatay Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulanka ka sheegay in ay jiraan fursado u banaan dadka Qurbaha kunool ee Soomaaliyeed taasi oo ah in ay dowrkoodi wadaniyadeed ay ka qaataan sidii maalgashi ugu sameysan lahaayeen dalkooda.

Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa sheegay in Soomaaliya horey ay u socoto, dowladduna dadaal ugu jirto sidii dalka horumar loo gaarsiin lahaa Qurba joogta dowrkoodi ay muujiyaan.