DHAGEYSO: Farmaajo oo ka duulay Muqdisho “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka duulay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku sii sagootiyay Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Madaxweyne Maxamed (Farmaajo) ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxa uu kulamo la qaadan doonaa Masuuliyiinta Turkiga oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ka wada hadli doona arrimaha Abaaraha, Amniga iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowlada Federaalka Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo warbaahinta kula hadlay Garoonka ayaa sheegay socdaalka Madaxweynaha in uu yimid kadib markii uu casuumaad rasmi ah uu ka helay dhigiisa dalka Turkiga.

Safarkan Madaxweynaha uu ku aaday dalka Turkiga ayaa noqonaya midkiisii 5-aad ee uu uga baxo dalka, tan iyo markii la doortay 8-dii Febraayo ee sanadkan.

 

PHOTOS:- C/raxiin Xuseen Xasan (Caylaawe)

Farmaajo

Farmaajo 2 Farmaajo 3 Farmaajo 4 Farmaajo 5