Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa si wadajir u dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xiri doonta Dangoronyo iyo degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.
Wadadaan ayaa waxaa dhisi doona maamulka Puntland iyo Shacabka gobolka Nugaal.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa socdaal dhulka ah ku tagaya magaalada Qardho, iyagoo sii maraya hada degaano ka tirsan Gobolka Nugaal, waxaana si weyn looga dareemayaa Qardho Diyaar garow xoogan oo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha.
wuxuuna kulamo la qaadan doonaa Masuuliyiinta,Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Qardho ,isagoo kala hadli doona Arrimo badan oo ku saabsan horumarka Bulshada iyo sidii wadajir loogu wada shaqeyn lahaa.



