Mudug-RisaalaFM- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta si wada jir ah u dhagax dhigay dib u dhis iyo dayactir lagu sameynayo wadada isku Xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug.
Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ugu mahad celiyay Gudiga gacanta ku haaya dhismaha wadadasi dadaalkii adkaa ee ay sameeyeen, kaasi oo ku aadan sidii loo heli lahaa wado wanaagsan madama halkaasi marar kala duwan ay ka dhaceen shilal geystay qasaare isku jira dhimasho iyo dhaawac.
Wuxuu intaasi ku daray Madaxweyne Farmaajo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kaalinteeda ka geysan doonto dib u dhiska wadadaasi oo muhiim u ah bulshada kunool Gobolkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu dhanka kale siweyn uga hadlay arrimaha nabadgeliyada magaalada Gaalkacyo, wuxuuna sheegay in shacabka ku dhaqan magaaladaasi looga baahan yahay in ay ilaashadaan amniga iyo xasilooniga magaalada Gaalkacyo.
Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaan madaxweynaha Soomaaliya uu kulamo kala duwan la qaadanayaa madaxda iyo bulshada Galmudug, isagona intaasi ka dib lafilayo in uu u safro degaano kale oo ka tirsan Galmudug.