Real Madrid ayaa gaari doonta wareega 16ka Champions League hadii ay guul ka gaaraan caawa kooxda Sporting Lisbon ee dalka Portugal.
Iyada oo laba guul iyo laba barbaro ay ka heleen afartii kualn ee furitaanka tartankaan, Real Madrid ayaa fadhida kaalinta labaad ee Group F, waxaana ay laba dhibcood ka danbeeyaan kooxda Borussia Dortmund oo hore usoo baxay.
Si kastaba ha ahaatee, tababaraha Zinedine Zidane ayaan diirada saari doonin natiijadiisa soo baxista ilaa kulanka ugu dambeyn group-ka, laakiin waxa uu xooga saari doona kulanka caawa ka dhacaya magalaada Lisbon.
“Uma maleynayo in xisaab la’aan aan ku ciyaari doono kulanka caawa, Real Madrid kaliya waxay diiradda sareysaa in ay sameyso wax walba oo ay ku guuleysan kartoi ayuu yiri ka hor ciyaarta macalinka reer France.
Maxaa Ka Cusub Labada Koox?
Zidane ayaa ka gaabsaday haddii ay kulankaan kusoo bilaabanayaaan Sergio Ramos iyo Karim Benzema, iyadoo labada ciyaaryahan ay kasoo muuqdeen kursiga keydka kulanka Madrid Derby ee Isbuucaan.
Benzema ayaa bedel kusoo galay ciyaartii sabtidii 11-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay, laakiin Toni Kroos, Alvaro Morata iyo Casemiro ayaa weli dhaawac ah.
Cristiano Ronaldo ayaa wajahaya kooxdiiisii hore ee caruurnimada uu kusoo koray .waxaana uu usaftay kooxda koowaad ee Lisbon 25 kulan ka hor inta uusan u dhaqaaqin Manchester United sanadii 2003.
Sporting ayaa heysata saf caafimaad qaba marka ay soo dhaweynayaan kooxda Real Madrid, iyadoo weeraryahanka Lithuanian Lukas Spalvis kaliya uu ku seegayo dhaawac ciyaarta caawa.
Xaqiiqooyinka Kulankaan
Real Madrid ayaa badisay mid ka mid ah laba jeer oo ay hore ula ciyaareen kooxda Sporting Lisbon tartamada Yurub,waxaase looga badiyay 2-1 1994/95 kulan katirsanaa UEFA Cup iyagoo sidookale barbaro 2-2 ah galay kulan katirsanaa wareega group-yada Champions League xili ciyaareedkii 2000/01.
Real Madrid ayaa marnaba ku guuldareysan in ay shabaqa gaarto marka ay wajaheyso kooxaha Portugal 20 kulan oo ay la ciyaareen kulankii ugu dambeeyay Sporting bishii September 2-1 ayay kaga badiyeen waqtigaasoo xili dambe Madrid goolasha dhalisay.
10kii kulan ee ugu danbeysay kooxdaa Sporting garoonkeeda ku ciyaartay Champions League ayaa ku dhamaaday barbaro goolal la’aan ah.
Shaxda Macquulka Ah
Sporting: Rui Patrício; João Pereira, Coates, Ruben Semedo, Zeegelaar; William Carvalho, Adrien Silva, Gelson, Bryan Ruiz, Bruno César; Dost.
Real Madrid: Navas; Carvajal, Varane, Sergio Ramos, Marcelo; Modrić, Kovačić, Isco; Bale, Ronaldo, Benzema
Sidookale isla Grpupkaan F, waxaa caawa ku balansan kooxaha Dortmund vs Leg Warsaw, kooxda reer Germany ayaa hore u xaqiijisay in ay kusoo baxday wareega 16ka Champions League, laakiin waxay usii dagaalami doonaan in ay kusoo baxaan kaaalinta koowaad ee groupka.
Shaxda Macquulka Ah
Dortmund: Weidenfeller; Passlack, Ginter, Bartra, Durm/Schmelzer; Rode; Ramos, Castro, Pulišić, Dembélé; Aubameyang.
Legia: Malarz/Cierzniak; Bereszyński, Pazdan, Rzeźniczak, Hloušek; Guilherme, Kopczyński, Odjidja, Radović, Kucharczyk; Nikolić.



