SUUQA KALA IIBSIGA: Liverpool Oo Qarka Usaaran Inay £ 40m Kusoo Qaadato Laba Ciyaaryahan

Liverpool ayaa isku diyaarineysa inay £ 40m kusoo qaadato bisha January labada ciyaaryahan ee kooxda Southampton Virgil van Dijk iyo Sam McQueen.

Tababaraha kooxda Reds Jurgen Klopp ayaa aaminsan in daafaca reer Holland ee van Dijk oo 25 jir ah uu ku haboon yahay kooxdiisa.

Daacaii hore ee kooxda Celtic ayaa dhawaan lix sanno cusub u saxiixay kooxda ka dhisan St Mary, laakiin Klopp ayaa kalsooni ku qaba inuu lacago qaali ah siiyo kooxda ka dhisan xeebaha koonfureed.

Sam McQueenKlopp ayaa isdookale isha ku haya ninkasoo baxay academy kooxda ee McQueen oo 21 jir ah, kaasoo ka ciyaara daafaca bidix.

ciyaaryahanka ku dhashay Southampton-McQueen wuxuu saftay kulankiisii ugu horeeyay Premier League kulankii kooxdiisa 3-1 kaga bndisay Burnley, waxaana tan waqtigaas uu ku socdaa qaab ciyaareed cajiib ah..

Klopp ayaa doonaya bedelka daafaca reer Spain Alberto Moreno, iyadoo hadda James Milner loo isticmaalo booska daafaca bidix.