(FALANQEYN) Maxaa ka dhalan kara Duqeynta Iiraan ee Saldhigyada Mareykanka?

Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay Iran ay in ka badan 10 madfac xalay ku garaacday laba saldhig oo uu millatariga Mareykanka ku leeyahay dalka Ciraaq.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Mareykanka ee loo yaqaano Pentagon-ka, ayaa sheegay in gantaallada baalistiga lagu garaacay saldhigyada al-Assad iyo Irbil ee ciidamada cirka Mareykanka. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in saldhig saddexaad oo lagu magacaabo Camp Taji oo 27 km u jira magaalada Baghdad isna la duqeeyay.

Wariyeyaasheena Maxamed Abuukar Dabaashe iyo Axmed Tifow Xasan ayaa falanqeynaya.