Fahad Yaasiin oo si kulul u dhaliilay aamusnaanta Deni iyo Axmed Madoobe

Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa hadal adag ka soo saaray aamusnaanta Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ee ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha taabanaya midnimada Soomaaliya.

Fahad Yaasiin ayaa si gaar ah u xusay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), isagoo sheegay in aamusnaantooda ilaa hadda aysan lahayn wax cudurdaar ah.

Waxaa uu tilmaamay in Madaxweyne Deni uu hoggaamiye u yahay deegaan leh muhiimad weyn oo lagu yaqaan difaaca midnimada dalka, taasoo ka dhigaysa in laga sugayo mowqif cad oo mas’uuliyad leh.

“Haddii Saciid Deni uu sii wato aamusnaanta, waxay abuureysaa shaki ah inuu raalli ka yahay arrimaha socda ama uu qayb ka yahay shirqool wax loo maleegayo,” ayuu yiri Fahad Yaasiin, isaga oo intaas ku daray in xaaladdu muujin karto duruufo gaar ah oo uu madaxweynuhu kaligiis ogyahay.

Sidoo kale, Fahad Yaasiin ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Saciid Deni ay waajib ku tahay inay fahmaan xilalka ay hayaan, isla markaana ay matalaan dareenka, wadaniyadda iyo mowqifka shacabka ku nool deegaanada ay ka taliyaan, halkii ay ka hormarin lahaayeen dano gaar ah ama aragti shakhsiyeed.

Hadalkan ka soo yeeray Agaasimihii hore ee NISA ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan doodaha siyaasadeed ee la xiriira midnimada dalka iyo mas’uuliyadda hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada, iyadoo indhaha lagu hayo jawaabta ay ka bixin doonaan Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe eedeymahan culus.