Fahad Yaasiin oo la saftay Madale iyo eed uu u jeediyay MW Xasan Sheekh

Taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, ayaa qoraal kulul oo uu soo dhigay bartiisa X ku dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ku eedeeyay inuusan awood u lahayn maareynta musharaxiinta xisbiga uu hoggaamiyo, halkaas oo ay ka jiraan cabashooyin la xiriira ku shubasho iyo awood isticmaal.

 

Fahad Yaasiin wuxuu sheegay in dacwadda uu qabay Yuusuf Madaale ay muujinayso “cashar muhiim ah,” isagoo tilmaamay in haddii Madaxweynaha uusan xallin karin tabashooyinka ka dhex jira xisbiga uu guddoomiyaha u yahay, aan lagu aamminin karin doorasho qof iyo cod ah oo u baahan ilaalin xeerar qaran iyo hufnaan.

 

Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka leexday dastuurkii lagu heshiiyay, isla markaana uu laalay xeerarkii doorashada ee la isla waafaqay, isagoo hadda ku eedaysan inuu ku tumanayo xeerarka xisbul-xaakimka.

 

Ugu dambeyn, Fahad Yaasiin isagoo su’aal culus jeedinaya ayuu yiri:

“Masaajidka hadduu qaylo ka soo yeeray, xaggee baa loo cararaa?”