Masuulka ugu sareeyo kooxda Monaco Vadim Vasilyev ayaa sheegay in xagaaga dambe ay Fabinho iska iibin doonaan.
Balse Fabinho ayaa doonayo in bisha Janaayo marka uu suuqa Yurub dib u furmo xidigaan la iska iibiyo.
Hadalka kasoo yeeray Fabinho waxaa soo dhaweeyeen labada Manchester oo ku hungoobeen saxiixa xidigaan xagaagii aan kasoo gudubnay.
Macalin Jose Mourinho ayaa taageero u ah Fabinho wuxuuna doonayaa inuu bisha Janaayo lasoo saxiixdo si uu garabka midig ee daafaca kaga cayaarsiiyo.
Pep Guardiola isagana xidigaan wuxuu u doonayaa inuu kaga faa’iideesto boosaska kala duwan ee uu cayaari karo sida khadka dhexe iyo daafaca garabka midig.
Monaco waxay ku dooneysaa Fabinho 50-milyan oo euro ah waana qiimo lacageed oo ay bixin karaan labada Manchester oo isku heestaan hanashada EPL xili cayaareedkan.



