Faahfaahin+Sawirro Qarax ka dhacay Muqdisho

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax Gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Tabakaayo Cagaar iyo Tabakaayo Madow gaar ahaan meel ku dhow Isbitaalka Macaani ee Degmada Dharkeynley.

Qaraxan ayaa waxa uu ahaa mid Gaarigiisa loogu xiray Macalin Aadan Goomey oo ahaa Macalin wax ka dhiga Iskuulka Halgan oo ku yaalla Degmadaasi, isaga oo keliya ayaa ku dhintay.

Sidoo kale Wariye halkaasi ku sugan ayaa Risaala u sheegay Macalinka in uu si dhow ula shaqeynayay Maamulka Degmada Dharkeynley marka laga reebo xilliga uu xiisada ka bixinayay Iskuulka.

Ciidanka ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay xireen afarta jiho ee wadada uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ay  ka sameeyeen  Howlgal ammaanka lagu xaqiijinayay.

Maalmahan Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay beegsiga lagu hayo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Askarta, waxaana inta badan dilalkooda sheegta ururka Al-shabaab.

14 13 12