Faahfaahin Weerar Jiirsiin ah oo ka dhacay magaalada Muenster

Ciidamada Booliiska Jarmalka ayaa sheegay in gaari la jiirsiiyay goob ay dad badan ku sugnaayeen oo ku taalla waqooyi galbeed magaalada Muenster, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof.

Dhacdadan ayaa loola tacaamulay sida weerar oo kale, balse wali lama xaqiijin inay ahayd iyo inkale weerar argagixiso.

Booliiska ayaa sheegay in gaari loo kaxeeyay dhanka goob laamiga dhinaceeda ah oo ku taalla bartamaha Muenster.

Gaarigan ayaa dhex jiiray dad badan oo adeeganayay, miisas iyo kuraas yaalay banaanka maqaayad halkaasi ku taallay.

Ugu yaraan 30 qof ayaa la dhaawacay, iyada oo booliiskuna ay sheegeen in lix ka mid ah dadkaasi ay dhaawacyadoodu halis yihin.