Faahfaahin toogasho ka dhacday Boosaaso

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa Maanta Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku dilay labo Askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland.

Labada Askari ee la dilay ayaa ka kala tirsanaa Ciidanka Taraafikada iyo Canshuuraha , waxaana lagu dilay Bartamaha Magaalada Boosaaso.

Kooxda dilka geystay ayaa ka baxsaday waxaana markii ay falkaas geysteen kaddib goobtii tagay Ciidamo ka mid ah kuwa amaanka ee Maamulka Puntland.

Ciidamada ayaa xiray waddooyinka ku dhow goobta uu dilka ka dhacay,waxaana ay baaritaan kula dhaqaaqeen dhismayaasha iyo goobaha ganacsi ee ka agdhow halka uu falka ka dhacay.

Saraakiisha Ciidamada maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay ka dambeeyeen Falkaasi lagu dilay Askarta.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa dhankooda Sheegtay in ay ka dambeeyeen dilka Askartaasi.