Madaxweyne Farmaajo oo saraakiil kulan kula leh Xarunta Wasaaradda Difaaca

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo la leh Mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo sidoo kale Taliyeyaasha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Inta badan Saraakiisha Ciidamada ayaa ku sugan xarunta Wasaaradda.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo uu saraakiisha Ciidamada kala hadli doono arrimo ku saabsan Go’aankii dowladda Mareykanka ee ay ku jaratay Mushaarkii ciidamada.