Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay Weerarkii xalay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay ku qaadeen Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdicasiis Xildhibaan ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Ciidamada Amniga ay doonaayeen in ay u geeyaan Warqad, laakiin ay diideen ciidamadii ilaaladiisa ahaa.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in hadda uu ku jiro gacanta Hay’adda Ammaanka, islamarkaana sharciga la marsiin doono.
Afhayeenka ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Shacabka ah in ay isdejiyaan.
Hadalka Wasaaradda Amniga ayaa kusoo beegmaya xilli Ciidamada dowladda Weerar Khasaare dhaliyay ay xalay ku qaadeen Guriga Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.



