Afar ruux ayaa ku geeriyootay Shilal siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho gudaheeda iyo duleedkeeda.
Shilka ka dhacay Muqdisho, ayaa wuxuu ka dhacay Isgoyska Nasiib Buundo ee Degmada Shibis, kadib markii uu rogmaday gaari noociisa uu yahay UD, kaasi oo siday Shaqaalaha ka xoogsada Garoonka Aadan Cadde.
Maamulka Degmada Shibis, ayaa xaqiijiyay geerida hal ruux, balse dadkii meesha joogay waxa ay arkeen dhimashada illaa saddex ruux iyo dhaawaca 20 ruux.
Gaariga gadoomay ayaa laga waayay Bareegii lagu celin lahaa.
Sidoo kale shil kale ayaa wuxuu ka dhacay degaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho, kadib markii ay isku dhaceen gaari caasi ah iyo gaari dameer.
Shilkaasi ayaa waxaa ku dhintay hal ruux, laba kalena waa ay ku dhaawacmeen, taasi oo wadarta guud ee dhimashada shilalka ka dhigaysa dhimashadda Afar ruux iyo dhaawaca 22 ruux.



