27-Sano ka dib markii ugu horreysay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Xilli Habeen ah , waxaa kasoo degtay diyaarad siday dad Shacab ah.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya , Sida Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa jooggay Garoonka Xilliga ay soo deganaysay diyaaraddaasi.
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa sheegay in Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu shaqeyn doono Habeen iyo Maalin taasina ay tahay horumar ay sameysay dowladda Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu noqday mid caalami ah oo la jaan qaadikaraa Garoonada Caalamiga ah.
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa dhawaan lagu xiray nalalka loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan diyaaradaha xilliyadda Habeenkii ah.



