DHAGEYSO: Xildhibaan Fiqi” Wasaarad Warfaafin waa laga maarmay Caalamka”

Iyadoo shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka la horgeeyay wax ka badalka Xeerka Saxaafadda Soomaaliya ayaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka waxa ay xeerkaasi ku tilmaameen mid caburinayo Saxaafadda Madax banaan.

Xildhibaanada qaar ayaa waxa ay sheegeen in sharcigaan aysan xamili Karin Saxafiyiinta Soomaaliyeed mustaqbalkana ay ku adkaaneyso iney fuliyaan.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in sharcigaan qodobada ku jira qaarkood aysan sax ahayn isla markaana ay caqabad ku noqon doonaan Shaqada warbaahinta Soomaaliyeed.

 Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in sharcigaan qodobada ku jiro laga badalo oo talooyinka Saxafiyiiinta la dhageysto.

Waxa uu ugu baaqay Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta iney ka shaqeeyaan qancinta Saxafiyiinta Soomaaliyeed oo sida uu sheegay xaalado adag ku soo shaqeeyay.