Faahfaahin Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Gaariga ku qarxay Agagaarka Soobe Maanta /Radiorisaala.com

Gaari nooca raaxadda ah oo lagu xiray waxyaabaha Qarxa ayaa maanta ku qarxay  inta u dhexeysa Isgoysyada Xoosh iyo Ex-Koontarool ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid dhawaqiisa laga maqlay degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir.

Gaariga Qaraxa lagu xiray ayaa waxaa saarnaa Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya sida dadka degaanka ay xaqiijiyeen.

Laba Askari oo la socday gaariga ayaa ku geeriyooday qaraxaas, isla markaana waxaa goobta qaraxu ka dhacay tegay Ciidamo kale oo ka tirsan dowladda oo halkaasi ka sameeyay howlgallo.