Faahfaahin Qarax ka dhacay Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax Gaari lagu xiray oo caawa  ka dhacay aagga laamiga aada Suuqa Bakaaraha ee ka baxa isgoyska Dabka, gaar ahaan iskuulka Dhagaxtuur oo ku yaalla Degmada Hodan.

Qaraxa ayaa lagu xiray gaari nooca raaxadda ah, waxaana qofkii gaariga waday uu ku jiray Masaajid ku yaalla goobta uu Qaraxu ka dhacay.

goobjoogayaal ayaa Risaala u  sheegay in Gaariga Qarxay uu lahaa Xildhibaan hore oo magaciisa lagu soo koobay C/waaxid,islamarkaana aysan jirin waxyeelo soo gaartay.

Hal qof oo Shacab ah oo goobta maraayay ayaa ku dhaawacmay, waxaana goobta uu Qaraxu ka dhacay gaaray Ciidanka Booliska.