Faahfaahin Qarax ka dhacay Beledweyne

Magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay Qarax sidda ay Risaala u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Bulshadda kunool degmada Beledweyne .

Qaraxa ayaa ka dhacay Agagaarka Saldhigga degmada Beledweyne, waxaana uu ahaa Qarax Miino oo lagu soo qariyay Jawaan.

Sidda ay sheegeen maamulka gobolka Hiiraan qaraxa ayaa lala damacsanaa gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Booliska ka howlgalla gobolka Hiiraan.

Ma jirto Cid ay waxyeelado kasoo gaartay, waxaana Ciidamada Ammaanka hadda ay waddaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Kooxihii ka dambeeyay Qaraxaasi in la dhigo saldhigga hortiisa.