Faahfaahin dilal ka dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Saacadihii lasoo dhaafay dilal ka duwan oo loo geystay dad kunoolaa degmooyin ka mid ah gobolka Banaadir.

Degmooyinka Xamar Jajab sidoo kale Yaaqshiid ayaa lagu dilay labo qof.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa gurigiisa oo ku yaalla degmada Xamar Jajab  ku dhex dishay Marxuum Nuur Cali Isxaaq, sida ay risaala u sheegeen dadka degaanka kooxihii dilka geystay waa ay baxsadeen.

Dadka Degaanka oo aan xalay la xiriirnay ayaa inoo sheegay ninkaan la dilay in uu horey uga tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse hada uu iska ahaa nin si caadi ah u shaqeysan jiray.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa xalay waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa sidoo kale waxaa Degmada Yaaqshiid ay kooxo hubeysan ku dileen Hooyo Shamso Xaaji oo ka tirsaneyd Haweenka Gobolka Banaadir ee nadaafadda ka shaqeeya sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane.

Maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho waxaa kusoo kordhaayay falalka lidiga ku ah Ammaanka.